Nuxurka Khudbad uu jeediyay Madaxweyne Joe Niden- dhegayso

WASHINGTON —(Berberanews)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa xalay marki ugu horreysay shacabka Mareykanka khudbad u jeediyay, tan iyo marki uu ku dhawaaqay in uu soo gaba gabeeyay ololihiisii doorashada madaxtinimada Mareykanka, Axaddii hore.

Biden oo khudbaddiisa si toos ah looga daawaday telefishannada Mareykanka xalay fiidkii, ayaa sheegay in uu isaga hadhay tartanka doorashada bisha November, sababtuna ay tahay welwelka uu ka qabo mustaqbalka dalka.

Warbixin diyaariyay Nur Hassan Nur, waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.