#Ethiopia: Abbiy Axmed oo booqday Deegaanno dhul Go’o ku dhuftay

Ethiopia-(Berberanews)-Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta booqday deegaanka Kencho Kebele ee degmada Geze Gofa ee gobolka Gofa si uu ugu tacsiyeeyo dadkii ku waxyeeloobay dhul go’ii dhawaan ku dhuftay deegaankaas horaantii todobaadkan.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Koonfur Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Hailemariam Desalegn iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Abadula Gemeda.

Dhul go’an oo maalintii Isniinta ka dhacay ismaamulka Koonfurta Itoobiya ayaa sababay khasaare nafeed oo laxaad leh.
Xafiiska #UN ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (#OCHA) ayaa sheegay in dhimashadu ay marayso 257 qof, iyadoo mas’uuliyiinta maxalliga ah ay filayaan in ay kor u dhaafi karto 500 oo qof.

Warbixintii ugu dambeysay ee OCHA ayaa tilmaameysa in weli ay socdaan howlaha gurmadka iyo baadigoobka shaqsiyaadka la la’yahay.
OCHA waxa ay sheegtay in shilal kale oo dhul go’ ah, inkastoo ay ka yaraayeen, in dhawaan laga soo sheegay meelo kale oo ka tirsan koonfurta Itoobiya iyo #Oromia.

Horay, Yealem Merheneh, madaxa xafiiska isgaadhsiinta ee degmada Geze Gofa, ayaa Addis Standard u sheegay in 39 qof ay weli maqan yihiin kooxaha samatabbixintana ay ku jiraan dadaal.