Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen gantaallo lagu weeraray magaalo ku taal buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee lala beegsado badhtilmaameed Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka ay kula jirto kooxda Xisbullah ee Lubnaan.
Xisbullah ayaa si deg deg ah u beenisay in ay wax door ah ku leedahay weerarkaas oo ay ciidamada Israa’iil ku eedeeyeen kooxdaasi.
Weerarka lagu qaaday garoon kubadda cagta ah ayaa sare u qaadaya cabsida laga qabo dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmara labada dhinac, kuwaas oo tan iyo markii uu dagaalka Qaza ka billowday is-weydaarsanayay rasaas xudduudda ka gudubta.