Hogaamiyihii Siyaasadeed ee #Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay dalka Iran

Iran-(Berberanews)-Hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas, Ismail Haniyeh, ayaa lagu beegsaday laguna dilay caasimadda Iran ee Tehraan, sida ay Arbacadii shalay sheegeen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee dalkaas.

IRGC ayaa sheegtay in ay wali baashayso waxa sababay shilkan. Xamaas ayaa xaqiijisay geerida Haniyeh, waxayna sheegtay in hogaamiyahan ay dishay Israa’iil kadib markii uu ka qeyb galay xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian.

Israa’iil kamay hadlin dhimashada Haniyah. Israa’iil ayaa sheegtay inay beegsan doonto hoggaamiyeyaasha Xamaas oo qaaday weerarradii 7-dii Oktoobar ee dhaliyay dagaalka Gaza.

Dhimashada ayaa loo arki doonaa guul weyn oo u soo hoyatay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo wacad ku maray in uu ka saari doono hogaamiyayaasha Xamaas ee qaaday weeraradii 7-dii Octobar oo ay Israa’iil sheegtay inay kaga dhinteem 1,200, lana qafaashay  250 qof.

Hawlgallada milatari ee Israa’iil ee Gaza ka dib weerarkii Oct. 7 ayaa sababay in in ka badan 39,000 oo qof ay ku dhinteen deegaannada Falastiin, sida laga soo xigtay maamulka caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

Haniyeh, wuxuu ahaa hoggaamiyaha guud ee siyaasadda Xamaas, waxa uu qayb ka ahaa qaab-dhismeedka hoggaanka Xamaas oo ay ku jiraan garab millatari iyo cudud siyaasadeed.