Turkiga ayaa xannibay galaangalka Instagram-ka, maamulka isgaarsiinta qaranka ayaa yiri, ka dib markii sarkaal sare oo ka tirsan dowladda uu ku weeraray baraha bulshada ee “faafreebka” waxyaabaha la xidhiida Xamaas.
Maamulka isgaadhsiinta BTK ayaa ku dhawaaqay xannibaadda jimcihaha maanta, iyada oo aan wax sharraxaad ah ka bixin go’aanka ama ma sheegin muddada xayiraadda.
Tallabadan ayaa daba socota hadal uu Arbacadii jeediyay agaasimaha isgaadhsiinta ee madaxtooyada Turkiga, Fahrettin Altun, oo ku dhaleeceeyay madashan ay Meta leedahay waxa uu ugu yeedhay go’aanka ay ku joojisay tacsida dilkii hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyah.
“Tani waa faafreeb,,” Altun ayaa ku soo qortay X, isagoo xustay in Instagram aanay xusin wax xadgudub siyaasadeed oo go’aankeeda ah in laga xannibo qoraalkooda
“Waxaan sii wadi doonaa inaan difaacno xorriyadda hadalka ee ka soo horjeeda goobahan, kuwaas oo si isdaba-joog ah u muujiyay inay u adeegaan nidaamka caalamiga ah ee dhiig-miirashada iyo caddaalad-darrada,” ayuu yishi Altun.
Waxaan garab istaagi doonnaa walaalaheen Falastiin fursad kasta iyo madal kasta,” ayuu yidhi. Ismaaciil Haniyeh, oo ahaa madaxa siyaasadda ee ururka Xamaas, isla markaana saaxiib dhow la ah madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyo ilaaladiisii ayaa Arbacadii lagu dilay magaalada Tehran.
Xamaas iyo Iran ayaa ku eedeeyay Israa’iil oo aan ka hadlin weerarka. Sida laga soo xigtay warbaahinta Turkiga, waxaa jira in ka badan 50 milyan oo isticmaaleyaal ah oo iska diiwaan galiyay Instagram-ka Turkiga, oo ah dad gaadhaya 85 milyan.