Madaxweyne Biixi oo la kulmay madaxda xisbiga KULMIYE Togdheer

Burco:13/08/2024(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa magaalada Burco kulan gaar ah kula yeeshay madaxda xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer.

madaxda xisbiga ee gobolka Togdheer iyo degmooyinka, ayaa madaxweynaha uga war hawlaha shaqo ee ay xisbiga ugu xilsaaran yihiin, waajibaadka saaran iyo qorsheyaasha ay damacsan yihiin inay ku dardargeliyaan shaqooyinka hor yaalla.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dhankiisa uga mahad celiyey madaxda xisbiga ee gobolka Togdheer shaqooyinka culus ee ay hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii dardargeliyaan hawlaha horyaalla, maaddaama dalku galay  waqti doorasho loo diyaar garoobayo.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey hoggaanka sare ee xisbiga oo ay kamid yihiin, guddoomiyaha xisbiga, ahna wasiirka arrimaha gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku-xigeenka saddexaad, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ku-xigeenka Afraad, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, guddoomiyaha garabka haweenka, Marwo Sahra Saleebaan Cawad, iyo xubno kamid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, wasiirro katirsan xukuumadda.