Masar maxay Yeeli Kartaa Itoobiya?
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Khilaafka Webiga Niilka waxa ay Itoobiya iyo Masar isku maandhaafsanaayeen tan iyo sannadihii ay gumeystayaashu ay Afrika joogeen. heshiisyo kala duwan ayey galeen. Heshiisyadaasi qaar ka mid ah Itoobiya ayaa lagu khiyaameeyey, kuwaasi oo dhigayey in biyaha ay inta ugu badan ay Masar isticmaasho, oo  ilaa maanta ay Masar meel kasta la taagan tahay.

= Markii ay Itoobiya bilowday dhismaha Biyo-xidheenkii webiga Niil, Masar waxa ay istaagtay lama dhisi karo iyo hadallo hanjabaad ah. Markii la dhisay indhahooda oo shan ah, haddana waxa ay yidhaaheen lama buuxin karo. Markii buuxintii la bilaabay, haddana waxa ay yidhaaheen car biyuhu ha naga yaraadaan. Wixii ay Masar dalbanaysay dhammaantood wuu fuli waayey. Sidaasi oo kale heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar ee nuxurkiisu yahay Itoobiya ka celiya inay Soomaalilaan aqoonsato oo biyaha badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay soo gasho oo saldhig ka dhigato shaqeyn maayo.

= Xasan Sheekh wuxuu Masar la soo galay inay xeebaha Soomaalilaan soo weerarto oo ay Itoobiya ka celiso inay yimaadaan. Eratariyana ciidan badd oo Soomaaliya loo tababarayo ay xagga badda Soomaalilaan ka soo galaan. Waa miyir beelkii ugu dambeeyey ee Xasan Sherkh uu doonayo inuu ku dhaqaaqo.