“Hawada anigaa leh , Badda Anigaa leh, Dekkadana anigaa leh.”  Baashe Cawil

Amb Baashe Cawil Gudoomiya guddiga Farsamo ee Diyaarinta Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo ka hadlay dagalaada Soomaliya ay ku soo qaaday Somaliland kuwaaso ka dhashay isfahamkii Somaliland Iyo Itoobiya ay wada gaadhen, waxaanu yidhi Amb. Baashe Cawil ;

‘’WAA GABAL DHACOODII, SOMALILAND NA WAA GU’GEEDII’’

Hawada  Anigaa leh,

Badda na  Anigaa leh,

Dekeddana Anigaa leh.

Dawlada Soomaliya waxay u soo bandhigtay saddex dekadood oo Soomaliya  ku yaala waxayna ka codsatay Dawlada Itoobiya in ay kala dooroto,

Lakiin waxay sharuud kaga dhigtay in ay marka hore ka hadho hirgalinta heshiiskii MOU (Isfahamka) ee ay la saxeexatay Somaliland bishii January 1-deedii 2024-kii.

Haddii Soomaliya dekedo ay siinayso Itoobiya , maxaa Somaliland lagu cambaareenayay?

Sow lama odhan karo waxa qudha ee Soomaliya ay  heshiiska ku  tahay waa in Somaliland lagala dagaalamo horumarkeeda.

Go’aamada cuni qabatanyta ee Dawlada Somalia miciinka baday, waxaan filayaa in horena aanay wax uga tarin in ay hortaagaan mashaariicdii maalgashi ee Dekedaha iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka Somaliland lagu horumarinayay.

Maantana waxa aan qabaa in aanay joojin doonin hamigii iyo hiigsagii ay lahaayeen shacabkan Somaliland.

Shacabka Somaliland ma waxa maanta la gudboon inay aragti mida ka yeelano waxa inaga dhaxeeya oo ah Qaranimada Somaliland iyo Difaacisteeda. Aan ku heshiino Qaranimo, Hana loo midoobo mucaarid iyo muxaafidba sidii loo difaaci lahaa jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.

Somaliland Ha Noolaato, Cadawgeedu Ha Dhaco.“