Ukraine: Dhicitaanka Diyaaradda F-16 oo galaafatay Taliyihii Ciidanka Cirka

Ukraine-(Berberanews)-Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa shaqada ka ceyriyay taliyihii ciidamada cirka ee Ukraine iyadoo ay taagan tahay dood ku saabsan burburka mid ka mid ah diyaaradaha cusub ee F-16 ee qaaliga ah.

Mr Zelensky muu cadeyn sababta shaqada looga ceydhiyay Lt Gen Mykola Oleshchuk, balse wuxuu sheegay in uu mas’uuliyad ka saaran yahay in uu “daryeelo dhamaan dagaalyahanadayada”.

Diyaaradda F-16 ee uu Mareykanka sameeyay – oo ka mid ah dhowr diyaaradood oo horaantii bishan ay soo gaashsiiyeen xulafada reer galbeedka ee Ukraine – ayaa soo dhacday Isniintii, taasoo dishay duuliyihii. In kasta oo ay dhacday intii lagu guda jiray duullaanka gantaallada Ruushka, haddana Ukraine waxay sheegtay in sababta burburka diyaaradda aanay ahayn mid toos ah oo ka dhalatay weerar.
Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday dalka Ukraine bishii February ee sanadkii 2022-kii, waxaana uu qabsaday qeyb weyn oo kamid ah bariga dalkaasi.

Laakiin Ukraine ayaa sidoo kale bilawgii bishan bilawday duullaan lama filaan ah ku qaaday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka – waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay si qoto dheer ugu sii siqayaan Ruushka.

Isagoo arrintaas ka jawaabaya, Ruushku wuxuu xoojiyey weerarrada uu ka geysanayo guud ahaan Ukraine. Jimcihii, gabadh 14 jir ah ayaa la dilay ka dib markii bam uu hagayay Ruushka uu ku dhacay garoon lagu ciyaaro oo ku taal magaalada Kharkiv ee waqooyi-bari ee Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Ugu yaraan lix qof oo kale ayaa ku dhintay 59 kalena waa ay ku dhaawacmeen iyadoo dhisme ka kooban 12 dabaq uu sidoo kale ku dhacay magaalada oo ku dhow xadka Ruushka.

Madaxweyne Zelensky waxa uu dib u cusboonaysiiyay baaqii uu ugu baaqayay dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee Ukraine in ay u ogolaadaan in ay weeraraan badhtilmaameedyada gudaha Ruushka si looga hortago weerarradan oo kale.

.