Masar oo u gudbisay Qarammada Midoobay dacwad liddi ku ah Itoobiya

Qaahira – Wasiirka Arrimaha Dibadda waddanka Masar Dr. Badr Abdelatty, ayaa dacwad liddi ku ah Itoobiya u gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.
Wasiir Abdelatty, ayaa bayaan uu u diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay toddobaadkan, waxa uu ka ashtakooday hadalladii ugu dambeeyey ee uu ka jeediyey Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, arrinta labada dal ku muransan yihiin ee Webiga Nile.

Wasiirka ayaa ku gacan-saydhay go’aannada keli-qaadashada ah ee Itoobiya ku dhaqaaqday ee baalmarsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah, kana hor imaanaya heshiisyadii hore arrintan looga galay ee dhexmaray Masar, Suudaan iyo Itoobiya sannadkii 2015, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Masar.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Masar si buuxda u diiddan tahay hadal dhowaan ka soo yeedhay Ra’iisal-wasaare Abi Axmed ee ku saabsan in sannadkan qayb ahaan la buuxin doono biyo-xidheenka ay ka samaysay Webiga Nile, waxayna ku tilmaantay mid aan sinaba loo aqbali karin.

“Masar waxay si dhow ula socotaa xiisaddan, waxayna diyaar u tahay in ay qaaddo dhammaan go’aannada iyo tallaabooyinka uu u dammaanad qaaday Axdiga Qarammada Midoobay, si ay u difaacdo jiritaankeeda, awoodda dadkeeda iyo danaheeda,” ayuu lagu yidhi bayaanka.

Guddiga Sare ee Biyaha Niil ayaa kulan ay yeesheen toddobaadkii hore waxa shirguddoominayey Ra’iisal-wasaaraha, waxayna xaqiijiyeen in Masar xaq u leedahay inay difaacdo amnigeeda biyaha, isla markaana qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yidhi; “Hadallada kicinta ah ee Itoobiya dariskeeda kula dhaqmayso waxa uu khatar ku yahay amniga gobolka.”

Xiisadda gobolka, gaar ahaan tan u dhexaysa Masar iyo Itoobiya ayaa meel sare gaadhay kaddib markii toddobaadkii hore uu Abi Axmed sheegay in sannadkan qayb ahaan buuxin doonaan biyo-xidheenka ay ka dhisayaan Webiga Nile, iyo taageerada Masar siinayso dawladda Soomaaliya oo iyana waayahan xurguf ka dhexaysa Itoobiya, kaddib markii Addis Ababa horraantii sannadkan ay is af-garad la saxeexatay Jamhuuriyadda Somaliland.