Ciidammada Amaanka Somaliland oo xabsiga dhigay Xildhibaan Abiib

Hargeysa-Ciidammada Ammaanka ee Somaliland ayaa maanta ku xidhay magaalada Hargeysa Xildhibaanaxed Abiib oo ka tirsan Baarlamaanka.

Maxamed Abiib ayaa markii la qabtay kasoo noqday safar uu maalmahan ku joogay dalka Imaaraatka Carabta, inkasta oo aan la ogayn waxa lagu xidhay, xildhibaanka ayaa Imaaraatka ku bixiyay waraysi uu ku durayo xukuumada iyo mujaahidiintii SNM ee maftooda u huray Madaxbannaanida Somaliland ku naaloonayso.

Garyaqaanka Guud ee Xukuumada Somaliland, ayaa jote dacwad maamus ka xayuubin ah u gudbiyay golaha wakiilada, dacwadaas oo ilaa hada socon wayday kadib culays ka yimid dhinaca xildhibaanada.

Kahor inta aan dacwada lagu soo oogin, xildhibaanka ayuu ismaan dhaaf kala dhexeeyay guddoomiyaha golaha wakiilada, sidookale, waxa lagu eedeeyay arrimo la xidhiidha ku xadgudub sharci.

Xildhibaanka ayaa iska fogeeyay dhamaan eedaha loo haysto, isaga oo ka dagay magaalada Boorama isla markaana, taageero waydiistay shacabkii soo doortay.