Saylici oo farriin adag u diray Turkiga

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta waxa uu fariin u diray Madaxweynaha dalka Turkiga isaga oo u sheegay in uu marar hore oo badan uu kala hadlay in Soomaliya iyo Somaliland dhexdhexaad u noqdo mar kalena ugu celinayo hada,

Qoraal uu Madaxweyne ku xigeen  Saylici uu ku baahiyay bartiisa (X) ee hore Twitter loo odhan jiray islamarkaana uu ku mention gareeyay Madaxweyne Erdoğan ayaa sidan u dhignaa,

“Madaxweynaha Turkiga Walaalkay Rejab Dayib Erdoğan marar badan waxaanu ku boorinay inuu dhexdhexaad ka noqdo Arrimaha khuseeya Somaliland iyo Soomaliya.

Markii uu xukunka qabtay Erdoğan waxaanu ku tilmaamnay inuu yahay Ataaturki oo kale .

Waxaan u sheegaya mar kale in  Somaliland ay qaadatay xornimadeeda 1960-Kii , oo aanan Anagu samaynin xuduudaha dalalka Afrika ee ay ahaayen kuwo soo jireen ah.

Waxaan u sheegaya Erdoğan anagu ma nihin kuwa dagaalka kula jira Turkiga ee P*K , Waxaanan ku boorinayaa inuu Arrimaha Somaliland iyo Soomaliya uu dhex ka noqdo.”