Maraykanka Oo wakhti ku daray Cuno-qabataynta Itoobiya

Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Joe Biden ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyey cuno-qabatayntii uu dalkiisu saaray Itoobiya, taas oo qorshuhu ahaa in laga qaado bishan September.

Madaxweyne Biden ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray, waxa uu ku sheegay in Woqooyiga Itoobiya ay wali kasii socdaan falal khatar ku ah nabadda, amniga iyo xasilloonida Itoobiya iyo midda gobolka Geeska Afrika, sidaa daraadeed, uu go’aamiyey in muddo sannad ah uu ku kordhiyo cuno-qabataynta saaran Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa filaysay in cuno-qabataynta laga qaado bishan September, hase yeeshee Maraykanka ayaa sheegay in wali aan si dhab ah loo hirgelin heshiiskii Pretoria, Woqooyiga dalkana ay ka socdaan xaalado halis ku ah amniga Itoobiya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.