Musharrax Cirro iyo Warbaahintu maxay isku afgarteen?

“Warbaahintu waa Tiirka 4aad ee Dalalka ku Dhaqma Hannaanka Dimuquraadiyadda, Waana Muraayadda..” Musharrax Cirro

Hargeysa (Berberanews):- Musharraxa Madaxweynaha isbeddel-doonka Isbahaysiga Waddani iyo Kaah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay Warbaahinta Somaliland tayeyn doonaan haddii uu talada dalka ku guulaysto, caqabadaha Sharci ee jirana wax ka qaban doono.

Musharrax Cirro oo maanta kulan qado-sharaf ah Hargeysa ugu sameeyey Suxufiyiinta Warbaahinta madax-bannaan ee Somaliland, kuna dhegaystay caqabadaha Saxaafadda Somaliland ku shaqayso waqtigan, ayaa ka dib caawa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay muhiimadda Warbaahinta iyo masuuliyadda ay iska saarayaan ka Xisbi ahaan iyo ka Musharrax ahaanba.

Qoraalkaas Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Warbaahintu waa awoodda afraad ee ay leeyihiin dalalka ku dhaqma hannaanka dimuquraadiyadda, waana muraayadda laga eego dhalliilaha jira iyo toosinta loo baahan yahay. Sidaas awgeed, ka Musharrax ahaan iyo ka Xisbi ahaanba, waxa aan Warbaahinta madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland mar walba u nahay garab ay leeyihiin xilliyada adag oo ay miciin bidaan iyo sida oo kale cod caroog u ah Suxufiyiinta sifaha baalmarsan sharciga loo xidhxidho.

Waxa aan u ballan-qaadayaa Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Suxufiyiinta ka howlgalaba in aan baahiyaha Saxaafadda ee ay shuruucdu ugu horreyso dhammaystiro, korna u qaadno aqoonta & xirfadaha daruuriga u ah Suxufiga dalkan ka howlgala, annaga oo adeegsaneyna Barnaamij-siyaasaeedka Xisbiga WADDANI ee aan dhawaan soo bandhigo doonno. WADDANI; Wadajir & Waxqabad.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.