Muxuu yahay Heshiiska dhexmaray Masar iyo Eritrea?

Sida ay sheegayaan wararka soo baxaya, madaxa sirdoonka dalka Masar iyo wasiirka Arimada Dibadda ee dalkaas ayaa waxay gaaraan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, iyaga oo sida la sheegay garsiiyay madaxayne Afwerki farriin ay uga sideen dhiggiisa Masar Cabdifitaax Asisi.

Madaxa sirdoonka dalka Masar, Abbas Kamel iyo wasiirka Arimaha Dibadda Badr Abdellati ayaa waxay madaxweynaha Eritrea gaarsiiyeen fariin ku saabsan xaalka haatan ee amniga iyo sidaasadda ee uu ku sugan yahay gobolku iyo sidoo kale in ay xoojoiyaan labada dowladood xiriirka ka dhaxeeya.

Dhanka Masar, sida iyagu ay ku sheegeen war ay ka soo saareen booqashada saraakiishaan sare Asmara, ujeedka ayaa waxa uu ahaa in ay kala hadlaan madaxweynaha Eritrea arimo ku saabsan waxa ka dhacaya badda cas iyo ammaanka iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Mane Gebrekres ayaa waxa uu qoraal uu ku soo daabacay boggiisa X ku sheegay, in masuuliyiinta ka socday Masar ay kulan la qaateen madaxweyne Afwerki, ayna yeesheen wadahadlo dhinacyo badan taabanayay oo laba geesood ahaa iyo sidoo kale in ay ka wada hadleen arrimo gudaha dalkaas ku saabsan.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa waxa uu intaas raaciyay in labada dhinac ay “ka wada hadleen arrimo ay si wada jir ah walaac uga muujiyeen oo quseeya xaalka haatan iyo dhacdooyinka ka socda Sudan, Soomaaliya iyo Bad Cas”.

Warka ay soo saartay Masar ayaa waxa lagu sheegay in madaxweynaha Eritrea uu u sharraxay wafdiga xaalka haatan ka taagan Geeska Afrika iyo caqabadaha uu wajahayo gobolku, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa amniga iyo xasiloonida gobolka.

Waxa ay sheegeen in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay muhiim tahay in ay xoojiyaan iskaashigooda in laga shaqeeyo xasiloonida Sudan iyo si guud loo ilaaliyo madax banaanida dhuleed iyo xornimada Soomaaliya.

Booqashada ay ku tageen Eritrea saraakiisha sare ee ka socota sirdoonka wasaaradda Arimaha Dibadda Masar ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli uu khilaaf ka dhex taagan yahay Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalana Masar ay qaaday talaabo ayku garab istaageyso Soomaaliya taas oo ah in ay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, in kasta oo arrinkaas ay walaac ka muujisay dawladda Itoobiya.

Sida la ogsoon yahay khilaafka ka taagan Geeska Afrika ayaa yimid ka dib markii uu dhacay saxeexa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee u ogolaanaya Itoobiya in ay dhul badeed ka kiraysato gudaha Somaliland.

Intaa ka dib, Masar waxay si rasmi ah u taageertay Soomaaliya iyadoo diidmo ka muujisay talaabada ay qaaday Itoobiya oo sannado badan ay ku muransanaayeen dhismaha biyo xidheenka wabiga Niil. Eritrea ayaa iyana garab istaagtay Soomaaliya iyada oo marar kale duwan marti galisay madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray caasimadda dalkaas.

Masar iyo Soomaaliya ayaa bil ka hor kala saxiixday heshiis iskaashi milateri, iyadoo toddobaadyo ka hor ay Muqdisho soo galeen labo diyaaradood oo siday saraakiil iyo sahay ciidan, waxaana Masar ay isku diyaarinaysaa inay ciidamadeeda geyso Soomaaliya, marka uu bilowdo hawlgalka Midowga Afrika ee xigi doona kan haatan gabanbada ah ee ATMIS.

Itoobiya ayaa waxay aad uga soo horjeesatay talaabada ay qaaday Masar iyada oo ku tilmaantay mid faro galin ku ah xaalka amni ee gobolka, balse dawladda Soomaaliya ayaa iyana muujisay sida ay uga soo horjeedo warka ay soo saartay Itoobiya.

Masuuliyiinta sare ee Masar ayaa waxay sheegeen sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya intii ay joogeen Masar, waxayna la wadaageen madaxweynaha dalka ay martida u ahaayeen fariimo uga yimid Sisi, madaxweynaha Masar.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa hadalkii uu ku soo daabacay bartiisa X waxa uu ku sheegay in Itoobiya eedeynta ee la xiriirta “In Masar ay leedahay ajande ay ku faro galineyso xasiloonida gobolka Geeska Afrikla ay ka hadleen dhinacyada qaar ayna ku tilmaameen eedeyntaas in ay marmarsiiyo uga dhiganeyso Itoobiya qaladaadka ay samaysay”.

@Bbc Somali