Weriyihii Aljazeera ee  Ciidanka Israel dileen oo Turkey lagu aasay

Suxufiyad Mareykan ah balse asal ahaan kasoo jeedday Turkiga oo dhawaan ciidamada Isra’il ku dileen Daanta Galbeed ee dhulka la heysto xilli ay ka qeybgaleysay bannaanax lagu taageerayay xorriyadda Falastin ayaa Sabtidi shalay lagu aasay degmada ay kasoo jeedday oo ku taalla Turkiga.

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyadoo dareenka lidka ku ah Isra’il ee Turkiga uu sare u sii kacay, arrintaas oo ka dhalatay colaadda sii baaheysa eek a jirta mandiqadda Bariga Dhexe.

Aysenur Ezgi Eygi, oo aheyd 26 jir ku nooleyd magaalada Seattle, ayay toogteen ciidamada Isra’il 6-di bishaan September xilli uu socday bannaanbax looga soo horjeeday deegaameynta ay Isra’il ka waddo dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

Ayshenur ayaa lagu aaday degmada Didim ee ka mid ah magaalooyinka kulaala badda Eejiyaanka ee u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga. Calanka Turkiga ayaa ku daboolnaa naxashka lagu waday meydkeeda, iyada oo ay dad badan oo qiireysnaa ay ka qeybgaleen bud-dhiggeeda.

Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa cambaareeyay dilkeeda, kuna baaqay in lagu sameeyo baaritaan.

Dhanka kale, duqeymaha ay ka geysanayaan ciidamada Isra’il Marinka Gaza ayaa sii socday Sabtidi shalay, iyada oo la xaqiijiyay dilka ilaa 14 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqeymo lagu bartilmaameedsaday koofurta iyo bartamaha Gaza.
Waaxda Difaaca Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegtay, in duqeyn lagu burburiyay guri ku yaalla magaalada Gaza lagu dilay 11 qof oo ay ku jireen 4 carruur ah iyo saddex dumar ah.

Tan iyo horraanti October, ila wareedyada Gaza ayaa ku warramay in Marinka Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiinyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

@VOA