Taliyaha Booliska oo tobabar ugu soo xidhay Ethiopia 120 askari

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, S/ Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa tababar u soo xidhay dufcadii labaad oo ka kooban 120 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Booliska JSL oo muddooyinkii u dambeeyay tababar uga socday Jaamacadda Booliska Dalka Itoobiya ee Sandafa , Tababarkan  oo ku saabsanaa Baadhista Dambiyada, Nabadgelyada waddooyinka,
Xuuraanka , Isgaadhsiinta iyo Tababarka tababarayaasha .

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ayaa ku bogaadiyay xubnaha tababarka ka qalinjebiyay dedaalka ay muujiyeen, isagoo rajeynaya in aqoontooda iyo xirfadooda cusub ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan kor u qaadida shaqooyinka muhiimaka ah ee Ciidamada Booliska.

Xafladda xidhitaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Ethiopia  , Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya iyo saraakiil ka kala socotay labada Ciidan Boolis.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu iftiimiyay ahmiyadda ay leedahay in la sii wado xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo horumarinta xirfadaha labada  ciidan  boolis  si loo xoojiyo amniga iyo nabadgelyada gobalka.

.