Mustafe Cagjar oo ka hadlay falka dad lagu laayay masjid

Jigjiga-Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa nasiibdarro weyn ku tilmaamay falkii shalay lagu dilay dhallinyaro Masaajid ku cibaadaysanayay magaalada Wardheer.

“Waxaan cambaaraynayaa falka foosha-xun ee argagaxa leh ee lagula kacay dad masaakiin ah oo cibaadaysanaya. Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo inta dhimatay, dhamaanteena samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
Falkan laguma sheegi karo isqabqabsi qabiil. In masaajid la weeraro waa arin ugub ah oo u baahan in dawlad iyo shacab ahaan si adag looga hortago”

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay in la soo qabtay qaar ka mid ah dadka dilka gaystay halka kuwa kalena lagu raad joogo.

“Xukuumaddu way ka hortagtay inaan dagaal dhex marin beelaha is khilaafay. Wayna qaaday talaabooyin adag oo xakamayn ah taas oo badbaadisay naf iyo maal badan. Waxaa gacanta lagu dhigay gacan-ku-dhiiglayaashii horay u fuliyay dilal aano ah. Waxaa la xidhay dad badan oo lagu tuhmay inay colaada dabada ka riixayeen. Waxaa socda hawlgalo balaadhan oo lagu soo qabanayo dambiilayaasha geeystay falkii Masaajidka, iyadoo la hayo qayb, qayb kalana lagu raad joogo.”