Madaxweynaha Somaliland oo la  kulmay Ergeyga  xoghayaha guud ee QM

Hargeisa-21-09-2024-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka booqasho ku yimi.
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey  wasiirka arrimaha gudaha  Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka  Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Cilmi Xasan (Shiine)
Agaasime ku-xigeenka Warbaahinta Madaxtooyada JSL