Madaxweyne Biixi oo ka qaybgalay Qalinjebinta ducaddii 13-aad ee Machadka Shaqaalaha Dawladda

Hargeysa:22/09/2024()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebinayeen 214-arday oo ah dufcaddii 13-aad ee ka Aflaxda Machadka Shaqaalaha dawladda Somaliland (Civil Service Institute).
Munaasibadda qalinjebinta waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, hormuudka machadka shaqaalaha dawladda, haldoor, Ardayda maanta qalinbisay, waalidkooda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horrayn, agaasimaha fulinta machadka shaqaalaha dawaldda Mudane Cumar Iid Qaloombi oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxy marxaladihii kala duwanaa ee machadku soo maray iyo sida uu astaan ugu yahay soo ifbaxa da’yar aqoon ku hubaysan oo kaalintooda buuxisa.
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Mudane Khaalif Jaamac Qodax, guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Hillaac, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, guddoomiyaha guddida tacliinta sare, Prof. Saleebaan Dirir Cabdi iyo guddoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha, Mudane Cabdiraxmaan Cadami oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana ay kula dardaarmeen inay aqoontooda halkaas kasii wadaan oo ay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee gacantooda soo gala.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare, Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa dhankiisa hambalyo u diray Ardayda Aflaxday, waxana uu usoo jeediyey inay dalkooda horumarkiisa waqti badan geliyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ardayda ka qalinjebisay machadka shaqaalaha dawladda, waalidood iyo macallimiintii kusoo tacabtayba, waxana uu ku boorriyey dhallinyarada wax baratay inay aqoonta ay barteen bulshadooda ugu adeegaan, kuna dedaalaan sidii uga shaqayn lahaayeen horumarka dalkooda iyo dadkooda.

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha sare ka galay kulliyadaha kala duwan ee uu ka kooban yahay machadka shaqaalaha dawladdu.