Komishanka Doorashooyinka oo kulan la yeeshay Beesha Caalamka

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xaruntooda kulan kula yeeshay xubno ka socda Bulshada Caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arimaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka.

Intaa waxaa dheeraa Xubno kale oo iyagu na  shirka kaga soo qaybgalay habka fogaan-aragga (Call Conference).

Kulanka waxa ka soo qayb galay wakiillo matelaya dalalka UK, US, Sweden, Finland, Germany, Denmark, Taiwan, Belgium, iyo Midowga Yurub. KDQ ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka JSL oo hadda maraya heer gebogebo ah.

Xubnaha Bulsha Caalamka ayaa KDQ uga mahadnaqay hawlaha diyaar-garowga doorashada. KDQ ayaa iyagu na si gaar ah uga mahadceliyey waddammada UK, Taiwan iyo EU oo taageero dhaqaale ka gaystay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ee 13 November 2024.