Madaxweynaha Somaliland oo lagu soo dhaweeyey degmada Cadaadley.

Cadaadley-26-09-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno wefti ah oo uu hoggaaminayo, ayaa soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey degmada Cadaadley oo masaafo dhan 90KM dhinaca Koonfur Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

Bulshada ku dhaqan degmada Cadaadley oo caleemo lulaya, islamarkaana ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo astaamaha xisbiga KULMIYE, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay duleedka magaalada, waxana ay u gelbiyeen goob fagaare ah oo loo asteeyey in shacabka lagula hadlo.

Madaxda degmada, xubno kamid ah hoggaanka dhaqanka, dhakhaatiir kasoo jeedda deegaan, qaar kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey degmada, waxana ay si cad u sheegeen in shacabka ku dhaqan degmadu taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa jagooyinka madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Mudane Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha, waxana ay si qoto dheer u sharraxeen muhiimadda ay degmada Cadaadley leedahay iyo kaalintii ay kasoo qaadatay halgankii dalka lagu xoreeyey, islamarkaana kaalin mug leh ku leh wax soo saarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bulshada reer Cadaadley uga mahadnaqay soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen iyo waddaniyadda midnimada huwan ee ka muuqata.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dheeraaday haldoor tiro badan oo degmadan kasoo jeeda, kuwaas oo kaalin kasoo qaatay halgankii xoraynta dalka iyo horumarintii waxbarashada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa waxqabad badan ka fulisay degmada.

Dhinaca kale madaxweynaha qaranku waxa uu soo kormeeray dugsiga hoyga (Boarding) ka ah ee degmada Cadaadley, isaga oo ka qaybgalay hadhimo-sharafeed bulshada deegaankaasi ugu samaysay deegaanka Dibbis.

Wa-bilaahi Tawfiiq