Xaaladda Madaxweyne Geelle oo laga dayrinayo

Madaxweynaha Djabuuti saddexdii maalmood ee u danbeeyayba waxa uu yaallaa cusbitaal millateri oo ku yaalla dalka faransiiska sida aan xogta ku helayo.

Xilli uu u diyaar garoobayay ka qaybgalka shirka madaxda qaramada midoobay ayaa waxa kusoo booday xanuun laga deyrinayo heerkiisa, balse nooca xanuunka aannaan helin xaqiiqadiisa. balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu faalig yahay.

Wararka la isla dhex marayo baraha bulshada ee sheegaya in madaxweyne Geelle geeryooday ayaan illaha xogaha aan ka helay aanay xaqiijin karin. waana xog in la rumaysto iyo in la beenniyo ay adagtay marka meesha laga hadlayaa tahay Jabbuuti.