Xisbullah oo xaqiijisay Geerida Hoggaamiyahoodii Xasan Nasrallah

BEIRUT (AP) – Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijisay maanta oo Sabti ah in hoggaamiyihii ururka iyo mid ka mid ah aasaasayaashii ururkaasi, Xasan Nasrallah, lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen deegaan ku yaalla koonfurta magaalada Beyruut.

Dilka hogaamiyihii kooxdan awooda badan ee mudada dheer hogaaminayey ayaa argagax ku abuuray guud ahaan dalka Lubnaan iyo bariga dhexe, halkaas oo uu ku ahaa hogaamiye siyaasadeed iyo mid militari in ka badan sodon sano.

Nasrallah ayaa tobanaan sano ku jiray liiska dadka dilka ugu qoran Israel. Dilkiisa ayaa ilaa hadda ah kii ugu waynaa uguna cawaaqib xumada badan ee dilalka qorshaysan ee Israa’iil muddo sanado ah.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay fuliyeen duqeyn sax ah Jimcihii xilli madaxda Xisbullah ay ku shirsanaayeen xaruntooda magaalada Dahiyeh ee koonfurta Beirut. Isla markiiba ka dib xaqiijinta Hezbollah, dadku waxay bilaabeen inay rasaas hawada u ridaan Beirut iyo guud ahaan Lubnaan si ay ugu murugoodaan geerida Nasrallah.