KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Xildhibaan Cabdinaasir Qodax iyo Taageerayaashiisa

 Hargeysa:03/10/2024()-Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo katirsan golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, horena uga soo baxay xisbiga UCID iyo taageerayaal tiro badan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga KULMIYE, waxana soo dhaweeyey hoggaanka ugu sarreeya xisbul-xaakimka KULMIYE.

Munaasibad ballaadhan oo xisbigu kusoo dhaweynayey taageerayaashan laxaadka leh ee uu hoggaaminayo xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo ka qabsoontay Huteel Mansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Afartiisa ku-xigeen, wasiirro, siyaasiyiin, salaadiin, cuqaal, haldoor iyo taageerayaal tiro badan, waxana laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayo cududda cusub ee xisbiga kusoo biirtay.

ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo haldoor kasoo jeeda deegaannada laga soo doortay xildhibaan Cabdinaasir Qodax, kuwaas oo si cad u sheegay inay go’aansadeen dhismaha iyo taageeridda xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, islamarkaana naf iyo maalba la garab taagan yihiin.

Qaar kamid ah golaha wasiirrada oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey go’aanka xildhibaanka iyo taageerayaashiisu ku gaadheen inay ku biiraan xisbiga KULMIYE, waxana ay sharraxeen kartida iyo waxqabadka xildhibaan Cabdinaasir Qodax ka muujiyey deegaannada laga soo doortay iyo sida uu u kasbaday quluubta bulshada reer Somaliland.

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida uu go’aankiisa ku biirista KULMIYE ugu talo badsaday ee uu ula tashaday taageerayaashiisa iyo waxgaradka deegaankiisa, waxana uu si cad u sheegay inuu ku qancay xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisaba, islamarkaana dhisi doono murrashaxiintiisa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda soo xidhay, ayaa soo dhaweeyey xildhibaanka iyo taageerayaasha uu wato, waxana uu xusay inay xisbi ahaan kalsooni badan ku qabaan kartida iyo waxqabadka xildhibaanka.