Madaxweyne Biixi oo tababar usoo xidhay Arday Dhammaysatay Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Hargeysa-03-10-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tabobar u soo xidhay in ka badan 4,000 (Afar Kun) oo Arday oo laga soo xulay dugsiyada sare ee caasimadda Hargeysa oo bartay Dastuurka iyo waddaniyadda.

Munaasibadda xidhitaanka tabobarka oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, taliyeyaal ciidan, Ardayda maanta qalinjebinaysay iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay leedahay barashada Dastuurku iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in da’yarta soo koraysa lagu ababiyo waddaniyadda.

Ugu horrayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo munaasibadda ka hadashay, ayaa sharraxday qiimaha ay leedahay barashada Dastuurka iyo waddaniyaddu iyo dedaalkii ay u galeen in la gaadhsiiyo dugsiyada sare iyo hooseba.

Abwaan Ismaaciil Jiheeye oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay bilowgii dhigashada dastuurta iyo waddaniyada ayaa  madaxweynaha qaranka ku ammaanay sida uu xilka isaga saaray in kor loo qaado barashada Dastuurka iyo waddaniyaddaba.

Wasiirrada wasaaradaha  Diinta iyo Aw qaafta, Mudane Maxamed Xaaji Aadana Cilmi, waxbarashada, Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurka, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo hadallo kala duwan ka jeediyey, ayaa bogaadiyey ardayda baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda, waxana ay madaxweynaha ku ammaaneen siyaasaddiisa uu kor ugu qaadayo Dastuurka iyo shuruucda qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ardayda tirada badan ee dhammaysatay barashada Dastuurka iyo waddaniyadda, waxana uu kula dardaarmay inay aqoon xeel dheer u yeeshaan Dastuurka dalkooda, kana dheeraadaan wax kasta oo shuruucda qarankani dhigtay ka hor imanaya.