Taye Atskeselasse oo loo doortay Madaxweyne Xigeenka Ethiopia

Taye Atskeselasse oo hore u soo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Itoobiya.

Taye ayaa xilkan loo magacaabay kaddib kulan ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka ee Itoobiya, isagoo xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde, oo iyadu iskeed xilka uga degtay.

Madaxweynaha cusub ee Itoobiya Taye ayaa kasoo jeeda degaanka Amxaarada ee dalka Itoobiya, oo ay muddooyinkii u dambeeyay hadheeyeen dagaallo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kooxda Fano.

Taye ayaa horey uga soo shaqeeyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, wuxuuna hadda noqonayaa Madaxweynihii Lixaad ee dalka Itoobiya, waxa uuna baddalayaa Sahle-Work Zewde oo ahayd qof dumar ah kana soojeeda isla degaanka Amxaarada ee uu kasoo jeedo Madaxweynaha cusub.

Dadka falanqeeya siyaasadda dalka Itoobiya ayaa sheegayay in maalmahan Madaxweynaha xilka ka degay ay ka muuqatay inay ka daashay xilka madaxtinimada oo ay rabtay inay xilka isaga degto, taas oo markii dambe keentay in maanta ay si caadi ah uga degto xilkaas, loona magacaabo Taye Atskeselasse inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya

Dalka Itoobiya ayaa kamid ah dalalka uu awoodda u sarreeya leeyahay Ra’iisal wasaaruhu, isagoo Madaxweynuhuna uu badanaa yahay mid magac u yaal ah oo badanaa aan shaqo ku darsan arrimaha gudaha dalka Itoobiya.