“Xadhigayga u jeedooyin waa wayn ayay xukuumadu ka lahayd” Xildh Abiib

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo warbaahinta la hadlay kadib markii todobaad kii hore xabsiga Madheera laga soo daayay, ayaa sheegay in xadhigiisa looga dan lahaa in qalalaase laga rido gobolka Awdal.

Waxa uu sheegay in aanu jirin danbi uu galay oo uu xadhig ku mutaysan karay, lakiin xadhigiisu uu ahaa jid la doonayay in doorashada dib loogu dhigo, oo gobolka Awdal qalalaase lagaga abuuro.

“Xadhigayga u jeedooyin waa wayn ayay xukuumadu ka lahayd, waxa la doonayay in Awdal laga rido colaad la mid ah tii Laascaanood, waxa la doonayay in laga dhigto cimri dherer iyo jid doorashada lagu diido, waxa la doonayay in la galiyo deegaankayga xaalad amni daro oo meesha ka saarta dooda siyaasadeed ee aanu qabno” ayuu yidhi Abiib.

Waxa uu sheegay in aragtida uu qabo anay ka leexin karin xadhig iyo caga juglayn, oo uu u dhiman karo, lakiin anay ka suuroobin in aragtidiisa darteed uu dhiiga shacabka u daadiyo, “Anuu aragtida aan aaminsanahay in aan u dhinto diyaar ayaan u ahay, lakiin in aan qof u dilo ma doonayo, waayo qofkaasi waa dilaa, anuu dadku in ay nolol helaan ayaan doonayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu reer Awdal uga mahadceliyay in ay isaga dhagaysteen oo anay rabshad samaynin intii uu xidhna, waxa uu sheegay in isagu uu reer Awdal u sheegay in anay dhibsamayn, si anay xukuumadu u helin marmarsiyo ay wakhtiga ku kordhisato, isaga oo ugu baaqay in anay madaxweynaha cod siin maalinta doorashada.

Xildhibaanka ayaa laga soo daayay xabsiga Madheera todobbaad kii hore, kadib 30 cisho oo uu xidhnaa kadib markii xukuumadu ku eedaysay dambiyo qaran dumisnimo ah. Maxkamada sare ayaa eedaha ka dhanka ah ku tilmaantay waxba kama jiraan, iyada oo amartay in la sii daayo.