Madaxweynaha Somaliland oo hambalyo u diray Madaxweynaha Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Itoobiya, Taye Atske
Selassie oo shalay loo dhaariyay xilkaas.

Siday werisay Wakaaladda wararka ee SOLNA oo soo xigatay barta X(Twitter)ka madaxweynaha, waxa Madaxweyne Muuse Biixi uu si diiran u bogaadiyay madaxweynaha cusub ee dawladda federaalka Itoobiya, Taye Atske
Selassie oo uu guul u rajeeyay muddada uu xilkan hayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweyne Taye Atske Selassie u rajeeyay inuu ka shaqeyn doono iskaashiga iyo cilaaqaadka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya.

Taye Atske
Selassie oo ah diblomaasi ruugcadaa ah, waxaanu tan iyo bishii Feberwari ee sannadkan 2024ka uu ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, waxana shalay loo dhaariyay xilka madaxweynaha Itoobiya ee lixda sanno ee soo socda.