Fethullah Gulen: Maskaxdii ka danbaysay isku daygii Afgembi ee Turkiga oo Geeriyooday

Wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka ee #Fethullah #Gulen, oo ka dhisay dhaq-dhaqaaq Islaami ah oo awood badan gudaha Turkiga iyo meelo ka baxsan, balse sannadihiisii dambe ku soo qaatay eedaymo la xidhiidha isku daygii afgambi ee ka dhanka ahaa hoggaamiyaha Turkiga Tayyip Erdogan, ayaa geeriyooday. Wuxuu ahaa 83.

Herkul, oo ah shabakad faafisa khudbadaha Gulen, ayaa ku sheegtay akoonkeeda X in Gulen uu ku dhintay fiidnimadii Axadda cusbitaalka Mareykanka oo lagu daweynayay.

Gulen waxa uu hal mar saaxiib dhow la ahaa Erdogan balse si kedis ah ayey iskugu dhaceen, waxaana uu mas’uul ka ahaa isku daygii afgambi ee 2016-kii oo askar daacad u ah Gulen maamulayeen diyaarado dagaal, taangiyo iyo helikobtero.

Ilaa 250 qof ayaa lagu dilay isku daygii lagu doonayay in xukunka lagula wareeg, balse dhicisoonay