Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Safiirka Midowga Yurub

Hargeysa-21-10-2024-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Karin Johansson

Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka midowga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud iyo Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Dhinaca Weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey Ms. Caroline Adriaensen, oo ah Madaxa Iskaashiga iyo Mr. Adnan hagoog.

.