Jaamacadda Faransiiska oo xidhiidhka u jaray Israel

Jaamacadda Faransiiska oo xidhiidhka u jartay hay’adda Tacliinta sare ee Israel sababo la xidhiidh dagaalka Gaza.

Jaamacad ku taal dalka Faransiiska ayaa jartay xidhiidbkii ay la lahayd machad tacliin sare oo Israa’iil ah, iyadoo ku eedaysay inay “inay dhiirigeliso xadgudyada” dagaalka Gaza, warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay, taasoo dhaleecayn uga timid Paris.

Talaabadan ayaa timid kadib markii arday wax ka barata jaamacado badan oo faransiis ah ay si la mid ah qaar ka mid ah dhigooda Mareykanka ay mudaaharaad dhigeen ama fadhiyo ay ku dalbanayeen xabad joojin laga sameeyo Gaza.

Machadka Daraasaadka Siyaasadda [IEP] ee ku yaal bariga Faransiiska  Strasbourg ayaa jaray xidhiidhkii Jaamacadda Reichman ee u dhow Tel Aviv bishii Juun, wargeyska maxalliga ah ee Dernieres Nouvelles d’Alsace ayaa sheegay Arbacadii.

Ardayda iyo dhowr macalimiin ah ayaa ku taageeray tallaabada waxa ay hindiseyaashiisu ugu yeereen mawqifyada hay’adda Israa’iil ee “ee aadka u kulul” ee ku aaddan dagaalka Gaza, iyaga oo ku y
Tilmaamay “mid ka baxsan xaalada bini’aadminimo”, ayay tidhi warbixintu.