Guddida Anshaxa oo digniin u diray Masuulliyiin bixin waayay ganaaxyadii

Hargeysa (Berberanews)- Gudidda Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha olollaha Doorashooyinka.

Ganaaxyada ayaa lagu riday masuuliyiintii u badnaa ee xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa lagu riday ganaax, iyadoo digniin loo diray Urur Siyaasaddeedka Horseed, halka digniin kama-danbays ah loo diray masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo aan weli bixin ganaaxyadii hore loogu riday.

1. Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada JSL Cali Xaamud Jibriil.

2. Waxay ganaax lacageed oo dhan 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Xisbiga Waddani.

Waxa kale oo gudiddu digniin kama-danbays ah u direen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye kuwaas oo aan weli bixin ganaaxii lagu xukumay, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:

1. Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Cabdirisaaq Muuse Faarax.

2. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni.

3. Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Maxamed Cali Bile.

4. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar.

5. Madaxa Ololaha Xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamud Qodax.

6. Xubin ka mid Gollaha Deegaanka Hargeysa Maxamed Abiib Cismaan

7. Waxay kale oo ay digniin u direen Urur Siyaasaddeedka Horseed.