Hargeysa:09/11/2024-(Berberanews)-Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, ayaa si aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta halkaas u tegay maalinta saddexaad ee ololaha xisbiga KULMIYE.
Dadweyne tiro badan oo kamid ah shacabka reer Balligubadle, islamarkaana lulaya astaamaha xisbiga KULMIYE iyo caleemo qoyan, ayaa madaxweynaha iyo xubno wefti ah oo uu hoggaaminayo ku qaabilay duleedka magaalada Balli-gubadle, waxana ay u gelbiyeen goob fagaare ah oo loo asteeyey in bulshada lagala hadlo.
Maamulka gobolka, xildhibaanno, salaadiinta deegaanka, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo mudan kale oo halkaas ka hadashay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha, waxana ay bulshada reer Balli-gubadle uga mahadnaqeen taageerada luxdan ee ay u muujiyeen iyo soo dhaweynta xamaasadda leh ee ay ku qaabileen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka reer Balli-gubadle, ayaa uga mahadnaqay soo dhaweyntooda, waxana uu si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay Balli-gubadle u leedahay halgankii dalka lagu xoreeyey iyo sida ay muhiim ugu tahay Somaliland-nimada.
Sidoo kale waxa madaxweynaha lagu soo dhaweeyey deegaanno kala duwan oo hoos yimaadda gobolka Hawd, kuwaas oo ay kamid yihiin, gumburaha iyo Kaamtuug, waxana si weyn usoo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee deegaannadaas ku dhaqan.