Madaxweynaha Somaliland oo lagu soo Dhaweeyey degmada Sallaxley

Sallaxley:09/11/2024()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Sallaxley kala qaybgalay dabbaaldeg weyn oo ay isugu muujinayaan maalinta saddexaad ee xisbiga KULMIYE.

Qaybaha kala duwan ee taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Sallaxley oo ay hormuud u yihiin madaxda degmada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maareeyayaal, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha, iyaga oo bulshada reer Sallaxleyna uga mahadnaqay sida weyn ee ay madaxweynaha ugu soo dhaweeyeen degmada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa u mahadnaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee sida xamaasadda leh usoo dhaweeyey, waxana uu ugu baaqay inay si ka fiirsasho leh maalinta codaynta ula eegtaan sanaadiiqda cod-bixinta