Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal waxaa shalay ka dhacday gacan ka hadal dhexmaray Musharraxa Madaxweyne ku xigeenka Kulmiye Sacad Saajin iyo Cali Xaamud oo ka tirsan xisbiga Waddani.
Labada masuul ayaa isugu yimi goob ay ka socoto codaynta doorashada halkaas oo uu dhexmaray khilaaf gacan ka hadal ah oo uu ku horreyay Wasiir Saajin sida ay dad goobjoogayaal ahi u xaqiijiyeen Berberanews.
Wasiir Saajin ayaa hidh ku dhuftay Cali Xaamud, taasoo sababtay in Cali Xaamud la soo baxo Baaskoolad oo ku riday Sacad Saajin balse alle hareer mariyay oo aanu waxba ku noqon.