Baarlamaanka Somalia oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka

Somalia-(Berberanews)-Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka Doorashooyinka dalka oo maanta ay marsiiyeen Akhrintiisi 3aad waxaana warbixintii ugu dambeeyay ee xeerkan uu maray mudanayaasha ka hor akhriyay Mahdi Guuleed oo ah Gudoomiyaha Guddiga Ku meel gaadhka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Fadhigii maanta ataa waxaa  ku sugnaa 172 Xildhibaan sida uu ku sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Adan Madoobe oo maanta shir gudoomiyay fadhigii mudanayasha ee Barlamaanka Soomaaliya.

Intaa kadib waxaa laguda galay in la ansixiyo xeerkaan si sharci uu u noqdo, waxaana Xildhibaano gaadhaya 169 u codeeyeen xeerkaan Doorashooyinka waxaana diiday laba mudane halka hal Xildhibaana uu ka aamusay waxaana natiijada ugu dambeeyn ku dhawaaqay Gudoomiye Aadan Madoobe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay mudanayaasha Baarlamaanka inay maanta meel mariyeen xeerka Doorashada, waxaana uu sheegay in muhiim ay u tahay doorashada Dowladda Soomaaliya dooneyso inay ka qabato dalka ee nidaamka Qof iyo Codka ah.

Xeerkaan maanta ay meel mariyeen Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo sharci noqonaya ayaa ugu dambeeyn waxa uu sugi doonaa inuu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.